Khubaro Ajnabi oo Kenya ka caawineysa baaritaanka DNA-ga ragii fuliyay weerarkii Westgate

0
834

WestGateMall20130921_1Khubaro caalami ah oo ka socota dalalka Mareykanka, Israa’iil, Britain, Canada, Jarmalka iyo Booliska Aduunka ee Interpol ayaa Kenya ka caawineysa baaritaanka raadadka meydadkii weerarkii Westgate, si loo helo macluumaad la xiriira dableydkii weerarka qaaday.

Wasiirka Arrimaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in qubarada ka socda dalalkaas ay Kenya ka taageerayaan si loo aqoonsado meydadka dadka ku hoos jira bur burka dhismaha, kadib markii uu soo dumay saddex dabaq.

Khubarada ayaa baaraya faraha dableydii weerarka qaaday iyo dadka kale, iyadoo baaritaankan oo galay maalintii labaad la filayo inuu qaato muddo todobaad ah, si loo kala saaro meydadka dadkii weerarka geystay iyo dadkii kale ee la heystayaasha ahaa.

Baaritaankan ayaa noqonaya midka DNA iyo faraha dadka si loo ogaado heybta raga weerarka qaaday iyo kuwa bur burka dhismaha ku hoos jira oo la tuhunsan yahay inay dhinteen markii howl galka ay qaadeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Ajnabiga ee taageerayay.

Ilaa iyo hadda waxa lagu jiraa hawlihii sifaynta xarunta, halkaasi oo laga soo faqayo meydadkii ku haray, waxaa la filayaa inay kor u sii kacdo tirada dadka meydadka ah ee la helo, iyo kuwa u dhintay dhaawacii soo gaaray, walina waxa la rumaysan yahay in halkaasi ay ku sii xanniban yihiin meydad kale oo kujira bur burka hoostiis.

Dalka Kenya ayaa maalintii labaad u baroor diiqaya dadkii ku dhintay weerarkii Westgate oo ahaa kii ugu xumaa ee soo mara dalkaas toban sano, iyadoo Madaxweynaha Kenya uu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ahaa.

 

Jowhar