Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaran ee geedi socodka siyaasadda

0
912

Ku simaha gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta khudbad qiima leh ka jeediyey shirweynaha Qaran ee geedi socodka siyaasadda Hiigsiga 2016 kaasi oo maanta ay u aheyd maalintiisa Labaad.

“Mudaneyaal iyo Marwooyin si aynu uga gudubno caqabadaha na horyaala oo aan u heshiino waxeynu u baahannahay fikir wadajir ah oo kasoo maaxday maskax Soomaaliyeed,si aynu aayaheenna u dhisno waxeynu u baahannahay ineynu gaarno faham isku mid ah oo la xiriira waxa baahideenna iyo mudnaanteenu tahay ,arimaha hor u tabinta inoo leh iyo sida aanu u gaari laheyn oo aan u hanan laheyn bartilmaameedyada iyo ahdaafta aynu beegsaneyno iyo sida aanu uga bixi laheyn marxaladda maanta uu dalkeennu ku jiro”ayuu yiri Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo hadalkiisa si wata ayaa ka hadlay himilada Mustaqbalka“fikirkeennu waa inaan Soomaaliya u horseedno oo aan gaarsiino dhaqan dimuqraadiyadeed tan iyo inta laga gaarayo sanadka 2016ka, waxaa nalaga doonayaa inaynu dalka ka dhaqaajino meesha uu maanta taaganyahay oo aan gaarsiino doorashooyin qaran oo ay dadweynaha Soomaaliyeed kusoo xulanayaan dowladii ugu horeysay ee si dimuqraadiyad leh loosoo doorto mudo ka badan 20 sano, inkastoo aynu hormar sameynay hadana waxaa loo baahanyahay in guullo badan oo kale lagu talaabsado”

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in si himilada Mustaqbalka loo gaaro loo baahanyahay in si buuxda loosoo gebagebeeyo khilaafka dalka ka taagan, in la helo nabadgelyo buuxda oo saamaxeysa in la qabto doorashooyin xur ah,xaq ah oo ka maran cagajugleyn,qas iyo qalalaase si dimuqraadiyada dhidibada loogu aaso waxaana uu intaa ku daray in dimuqraadiyadda Soomaaliya ay saldhig u noqon doonto qodobada lagu qeexi doono dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii ku simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay Udub dhexaadka fikirka inuu yahay in Baarlamaanku soo saaro dastuur kama dambeyn ah oo Baarlamaanku ansixiyo,dadweynuhuna afti qaran ku ansixiyo waxaana uu yiri sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah ineynu goor haboon dhameytirno dib u eegista Dastuurka,laguna ansixiyo afti dadweyne si uu unoqdo heshiis bulsho oo lagu wada dhaqmo.

JeylaniNurIkar20130903_3 JeylaniNurIkar20130903_4 JeylaniNurIkar20130903_1 JeylaniNurIkar20130903_2