Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Xafiiska Ku Qaabilay Wafdi Ay Hogaamineyso Wasiirka Hormarinta Sweden

0
861

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ay hogaaminaysay wasiirka Hormarinta iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Sweden oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulankan uu Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka ahna ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya duhurnimadii maanta la qaatay Wafdigan heerka sare ah ee ka socday Dowladda Sweden ayaa ka dhacay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen arrimaha dalka iyo sidii ay dowladda Sweden gacan uga geysan laheyd hormarinta hay’adaha Dowladda gaar ahaanna Baarlamaanka.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadlay Saxaafadda ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabihii uu kala hadlay Wafdigan ay hogaamineyso Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Sweden Gunilla Carlsson.

Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Sweden Gunila Carlsson oo iyana dhankeeda saxaafadda la hadashay ayaa ugu horeyn sheegtay iney ugu Hambalyeeyneyso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida hufan ee uu u shaqeeyo mudada uu jiro waxaana dhanka kale ay Wasiiraddu tilmaantay iney Dowladda Sweden diyaar u tahay ka qeybqaadashada hormarinta Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaanna dadaallada la xiriira dhanka hormarinta iyo dib u eegista Dastuurka KMGka ah ee Dalka.

Kulankan ayaa Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa ku wehliyey Xubno ka tirsan Gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xildhibaanno halka dhanka Wasiiraadana ay wehliyeen Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall iyo Xoghayaha Dowladda Sweden ee Arrimaha Afrika.

 

JeylaniNurIkar20130904_2 JeylaniNurIkar20130904_1 JeylaniNurIkar20130904_4 JeylaniNurIkar20130904_3