Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Xuseen C/salaan oo Muqdisho lagu dilay

0
897

TargetingAssasinationKu simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka,waxaana gelinkii dambe ee maanta Muqdisho ku dilay kooxo dhagarqabeyaal ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaartay geeri naxdin leh oo ku timid Alle ha u naxariistee walaalkeen Marxuun Xuseen C/salaan oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka oo gacan ka gardaran sawabsaday, waxaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda,kan Xukuumadda iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii iyo carruurtii uu ka geeriyooday, guud ahaanna shacbiga Soomaaliyeed waxaan u dirayaa tacsi taas la mid ah”

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in maalinnimada berri ah uusan jiri doonin fadhigii ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku ballansanaayeen oo loo fasaxay aaska Allaha u naxariistee Xildhibaan Xuseen C/salaan ayadoo aaskana uu Gudoonka Baarlamaanka u saaray gudi gaar ah.

Ugu dambeyntii Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa jano siiyo, qoyskiisa,eheladiisa iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.