Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu hambalyeeyey Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM guushii ay ka gaareen howlagalkii saakay ay ku xoreeyeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Ku simaha Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan doonayaa ugu horeyn inaan halkaan ugu hambalyeeyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee taageeraya anigoo ugu hambalyeeynaya guushii ay ka gaareen howlgalkii maanta ay kula wareegeen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe”
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu si gaar ah Ciidammada fuliyey howlgalkii saakay fuliyey ugu ammaanayo sida xeyladeysan ee ay howlgalkaasi u fuliyeen ayadoo aanay shacabku gaarin waxyeelo, waxaana uu dhanka kale tilmaamay in howlgalkan uu bilow u yahay dhameystirka howlgalka dalka looga sifeynayo Al-Shabaab iyo Al-Qaeda si ammaanka loosoo celiyo.