Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa aqoon is weeydaarsi ku saabsan dar dargelinta howlaha Baarlamaanka uga furay magaalada Muqdisho gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.
Furitaanka aqoon iseeydaarsigan waxaa kasoo qeybgalay ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka,Gudoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka, Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, marti sharaf ka socotay beesha caalamka sida Hay’adda UNDP,Baarlamaanka Uganda iyo howlwadeennada xarunta Golaha Shacabka.
Khudbaddiisa furitaanka ayuu ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uga hadlay muhiimadda aqoon isweeydaarsigan isagoo xusay in Siminaarkan uu soo qaban qaabiyey Baarlamaanka Dalka.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo isaguna Warbaahinta Qaranka u faah faahiyey u jeedada aqoon isweeydaarsigan ayaa tilmaamay in xubnaha ka socda gudiyada joogtada ah ee ka qeybgalaya ay isla eegi doonaan qorshe howleedka Baarlamaanka iyo sida loo hirgelin karo.
Aqoon isweeydaarsiyada ceynkan ah ee loo qabanayo gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka waxaa horey loogu qaban jirey dalka dibaddiisa balse in lagu qabto magaalada Muqdisho waa qeyb ka mid ah istiraatiijiyada cusub ee uu howlaha Baarlamaanka u dejiyey Gudoonka Golaha Shacabka.