Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha Cabdirasaaq Cumar ayaa ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Xuseen C/salaam

0
939

CabdirasaaqCumar20130923Inaa-Li-Laahi-Waa-Inaa- Ileyhi Raajucuun

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Kheyraadka Dalka mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii loo gaystay xildhibaan ka tirsan golaha Baarlamaanka oo shalay galabtii kooxo hubaysan ay ku toogteen xaafadda Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa ka soo baxay Jaamacada Muqdisho oo ku taala meel aan ka fogayn goobta uu dilku ka dhacay, waxaana saaka loo samaynayaa aas ay ka soo qayb gali doonaan xildhibaanada Baarlamaanka.

“Geeridu waa xaq, Naf walbana waqtigeeda dhaafi mayso. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda waxaan si xoogo leh u cambaareynayaa dilka waxashnimada ah ee lagula kacay Marxuum Xuseen C/salaam, oo ay dishay gacan ka xaqdaran. Waxaana uu qayb ka yahay dilka noocaan ah hagardaamooyinka cadowga oo ah inay beegsadaan dadka bulshada dhexdeeda miisaanka ku leh, waana arin la doonayo in lagu wax yeeleeyo nabadgalyada” ayuu yiri ku simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Ku simha Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in falalka argagaxisada aysan wiiqi doonin dadaalkooda ku salaysan inay dalka nabad ku soo dabaalaan, wuxuna ugu baaqay ciidamada dowlada inay xoojiyaan adkaynta nabadgalyada.

“Ficilada noocaan ah maahan kuwo naga leexinayo qorshaha noo degasan oo ah in dalka nabad ku soo dabaalno, iyo sidoo kale in aan gacan bir ah kala hortagno kuwo cadowga ku ah nabada” ayuu yiri ku simaha Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbayntii kusimaha Ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelka marxuumka: “ Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Xuseen C/salaam, waxaana ilaahay ugu baryayaa inuu kitaabkiisa ka siiyo gacanta midig, janadii fardowsna ka waraabiyo

Amiin! Amiin! Amiin!