Kulan casho sharaf ah oo xalay Madaxtooyada loogu sameeyay wafdiga Axmed Madoobe

0
936

AxmedMadoobeInMuqdisho20130908_2Kulan casho sharaf ah ayaa xalay xarunta Madaxtooyada loogu sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe, iyadoo kulanka laga jeediyay khudbado kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan wafdiga Axmed Madoobe, isagoo xusay in kulankan uu yahay mid muhiim ah oo aanay ajaaniib ku kala dhex jirin labada dhinac.

“Waa kulan muhiim ah runtii, oo aan wax ajaaniib ah nagu kala dhex jirin, oo anagoo Soomaali dhexdeena ah aan wada hadli karno”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo markii dambe khudbada ku soo dhoweeyay Axmed Madoobe.

Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubooyinka Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay casha sharafta loo sameeyay, isla markaana habeen ka fiican waqti dheer kadib aanu jirin.

Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa balan qaaday in la sii xoojiyo wada hadalada, isla markaana la dhaqan gelin doono heshiiskii Addis Ababa, isagoo soo jeediyay in laga fikiro sidii Shabaab laga yeeli lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabadii ka hadlay casha sharafta ayaa soo dhoweeyay wafdiga Axmed Madoobe, isagoo ku tilmaamay in imaantinkooda Muqdisho uu muhiim u yahay guud ahaan Soomaaliya.

“Soomaalida waxay dhahdaa labo dhaxal iskju heysato hadii la arki maxaa isku tihiin lama yiraahdo, waxaa nahay dad wax ka dhaxeeyo, dad aan waxba ka dhaxeyn isma qabsadaan oo colaad kama dhex dhici laheyn”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalka Axmed Madoobe ku yimid Muqdisho uu yahay tallaabo weyn oo dhinaca nabada iyo wanaaga loo qaaday, isagoo xusay in jiritaanka Soomaalinimada dadka cadawga ku ah la iska qabo.

“Waxaaa timaadeen oo la idinku soo dhoweeyay waa baladkiina waxaa jooga dadkiina, anaga meel lagu kala tagay ma ogin, laakiin dadkeena siyaasada isku haya waxay is dhahaan dadka waa kala tagsan yihiin, laakiin aniga ma qabo in la kala tagsana”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhasho kala ra’yi duwanaansho, waxaana uu xusay in nolosha dadka ay ka mid tahay in la kala fikir duwanaansho, hase ahaatee ay muhiim tahay in sida loo xaliyo loo fariisto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay balan qaadayaan sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen Heshiiska Addis Ababa, isla markaana inta dhiman loo dhameystiri lahaa.

Source: Jowhar