Maamul Goboleed la doonayo in looga dhawaaqo magaalada Baydhabo

0
883

baydhabo2Qorshe la doonayo in Maamul goboleed looga dhawaaqo Gobolada Koofur Galbeed ayaa ka socda magaalada Baydhabo, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen banaan baxyo looga soo horjeedo dowladda, Heshiiskii Addis Ababa iyo shirkii Brussels ee shalay la soo gaba gabeeyay.

Sida ay sheegayaan wararka Maamul goboleedkan ayaa qorshihiisa yahay in muddo labo todobaad gudahood lagu dhiso, iyadoo loogu baaqay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya inay ka soo qeyb galaan.

Dhismaha Maamul goboleedka ayaa waxaa hor-boodaya, odayaasha, waxgaradka iyo duqeyda ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle, kuwaasoo hormuud ka ahaa banaan baxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo.

Malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle ayaa shalay muddo labo cisho u qabtay xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda deegaanada, isla markaana ku yimaadaan magaalada, si go’aan looga gaaro arrinta dhismaha maamul goboleedka.

Shirarka ka socda Baydhabo ayaa ah kii u horeeyay noociisa ee lagu qaban qaabiyo dhismaha maamul goboleed uu yeesho Gobolada Koofur galbeed Soomaaliya, iyadoo horay arrintan rag siyaasiyiin ah ay doonayeen inay sameeyaan, hase ahaatee aanay u suura gelin.

Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay heshiis la gashay Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa soo baxayay mucaarado looga soo horjeeday heshiiskaas, iyadoo heshiiskaas ay si weyn uga soo horjeesteen beelaha digil iyo mirifle oo dega qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Jubba.

Jowhar