Maamulka G/Sh/ Hoose oo sheegay in dhamaan ay qaadeen isbaarooyinkii yaalay wada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

0
839

JidkaAfgoyeIyoMuqdishoTaliyaha Ciidamada Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa warbaahinta u sheegay in ay wada ka si feeyeen kooxihii jidgoogooyinka u taalay Wadada Xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Taliyaha Ciidamada Gobalka Shabeelaha Hoose, Cabdi Ibraahin Shamoon ayaa sheegay in Maamulka Degmada afgooye uu u istaagay sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha ku libisan dharka Dowladda ee Shacabka ku dhibaateyo wadaasi.

Taliyaha ayaa shacabka Degmada Afgooye ugu baaqay ineey la shaqeyaan Ciidamada Amaanka si looga hortago cidkasta oo ka soo horjeeda Nabad galyada.

Taliyaha oo hadalkiisa wata ayaa sheegay In Howlgalo kuwaan la mid ah oo looga hortagayo Kooxaha jidgooyoooyinka dhigta Gobalka Shabeelaha hoose, ay ka bilaabayaan Wadada Xiirisa Afgooye iyo Walaweyn halkaasi oo sheegay ineey yaaaan isbaarooyin badan.

Cabdi Ibraahin ayaa sheegay in Degmada Afgooye loo sameeyay Ciidamada Boliiska iyo kuwa Nabad sugida arintaasi ayuu ku macneeyay ka dib markii Falal Amni daro ah ay ka dhaceen Degmada Afgooye.

Source: Balcad