Maamulka Puntland oo ugu dambeyn soo dhoweeyay heshiiska Addis Ababa, maalmo kadib markii ay diideen

0
816

Faroole20130616_1Maamulka Goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyn soo dhoweeyay heshiiskii magaalada Addis Ababa ay ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubooyinka, maalmo kadib markii Madaxweynaha Puntland uu ka soo horjeestay heshiiskaas.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in heshiiska lagu gaaray Addis Ababa uu yahay mid guul ah, isla markaana muujinaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada ee waafaqsan dastuurka Federalka.

“Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa heshiiskii ay magaalada Addis Ababa ku wada saxiixeen Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulka Jubaland, heshiis kaasoo qeexaya nidaamka maamulka iyo dowladnimada oo waafaqsan Dastuurkii Federaalka Soomaaliya oo lagu wada heshiiya”ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

War saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo shalay magaalada Nairobi ay ku kulmeen Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Ergadii Maamulka Juba uga qeyb gashay wada hadaladii Addis Ababa ee uu hogaaminayay Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo taageerista heshiiska Addis Ababa. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii loo dhisi lahaa hay’adaha dowliga ah ee maamulkaas.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo wareysi siiyay Wakaalada wararka ee Reuters uu ka soo horjeestay heshiiska Addis Ababa, kuna tilmaamay mid aan sax aheyn, iyadoo aan la ogeyn waxa hada bedelay mowqiifkiisa.

 

Source: Jowhar