Madaxweynaha J.F.S. oo saaka Beledweyne tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan X.D.S.

0
886

CiidamaXoogaDalka20130624_1Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa saka xerada Lamagalaay tababar ugu soo xiray in ka badan Sedex Boqol oo Askari oo ka mid ah ciidamada XDS.

Waaberigii saaka ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waxaa uu xerada Labagalaay tababar ugu soo xiray in ka badan sadex Boqol oo askari oo in muddo ah tababar uga socoday xeradaasi, kuwaas oo ka mid noqonaya ciidamada XDS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadani ay helidoonaan qalab ciidan ayna dowladu bixindoonto xuquuqdoda, isagoo muujiyay sida uu ula dhacsanyahay tababarka ay ciidamadan ku qaataan gudaha dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamadaasi iney si waddaniyad leh u gutaan waajibaadka ciidan islamarkaana ay dalkooda ka difaacaan cadowga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah uga mahadceliyay ciidamada AMISOM tababarrada ay siinayaan ciidamada XDS, iyo sida wanaagsan oo ay gacan uga geystaan ammaanka magaalada Beledweyn.

Dhanka kale madaxweyaha Jamhuuriyada oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa xalay iyo maanta kulamo la leh madaxda gobolka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolkaasi.

Radio Muqdisho