Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dalka dib ugu soo laabrtay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka, ku simaha R/wasaaraha, Wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa safarro shaqo ku soo kala bixiyay wadamada Biljim, Talyaani iyo Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa magaalada Brussles uga qeybgalay shirkii New Deil ee dalkeena dhaqaalaha loogu yaboohay, sidoo kale madaxweynaha ayaa booqday dalka Talyaaniga wuxuuna halkaasi kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii ugu dambeeyay ku soo maray dalka Mareykanka, isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Washinton iyo Ohio, wuxuuna Newyork uga qeybgalay shirlka Qaramada Midoobay oo uu ka jeediyay khudbad taariikhi ah.
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay siyaasiyiin ka tirsan Mareykanka oo uu ka mid ahaa xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, sidoo kale wuxuu halkaasi kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan wadamada caalamka.