Madaxweynaha J.F.S. Oo Xalay Magaalada Marka Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka Ee G/Sh/Hoose

0
902

MarkaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Marka kulan kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolka Shabeelada Hoose ayadoo kulankaasina looga hadlay horumarinta dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeen xubno isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka sida ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay arrimo la xiriira nabadgelyada gobolka iyo sidii nidaamka dowladnimada loogu baahin lahaa bulshada ku nool gobolka.

Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo khudbad dheer oo dhinacyo kaladuwan taabaneysay ka jeediyay kulankii xalay ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka iyo sida loogu baahanyahay in dowlada lagala shaqeeyo sidii ay dalka ugu soo dabaali laheyd nabad iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in magaalada Marko loo sameyndoono ciidamo booliis ah oo leh akhlaaq wanaagsan kuwaas oo ay soo xusheen dadka deegaanka, wuxuuna intaa raaciyay in maamulka gobolka ay iyagu soo xulandoonaan isagoo xusay in wasaarada arrimaha guduhu aysan waxba usoo magacaabidoonin wixii xiligan ka dambeeya.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Marka waxaa ka socday kulamo looga arrinsanayay xaalada amaan ee G/Sh/Hoose iyo sidii loo dhameystiri lahaa heshiis la kala dhexdhegay beelo walaalo ah oo ku dagaalay degaanno ka mid ah gobolkaasi.

 

Source: Radio Muqdisho