Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ilaa 39-qof ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee Westgate, isagoo cadeeyay in xubno ka tirsan qoyskiisa uu ku waayay weerarka.
Khudbada Madaxweyne Kenyatta oo si toos ah telefishinada looga daawanayay ayaa ku hanjabay in dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ay gudaha iyo dibada ka wadi doonaan, isagoo ku tilmaamay weerarkaas mid waxashnimo ah.
Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay dadka reer Kenya inay is dejiyaan, ayna muujiyaan kalsooni, wada jir iyo inay ka qeyb qaataan sidii dhiiga loo bixin lahaa dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen weerarka.
Warar ay qoreen warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in labo caruur uu dhalay Mr Kenyatta laga bad baadiyay dhismaha, iyadoo tani ay muujineyso in weerarka xilliga uu dhacayay ay xarunta ganacsiga ku jireen qoyska Madaxweynaha Kenya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in berri hore ay go’aan ka qaateen Argagixisada, isagoo ugu hanjabay inay ciqaabi doonaan, ayna cadaalada horkeenayaan sida uu yiri.
Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa cadeysay inuu aargoosi u ahaa waxa ay Ciidamada Kenya ka sameeyaan Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ciidamadooda kala baxaan.
Waa weerarkii ugu xumaa oo Kenya ka dhaca tan iyo weeraradii 1998-dii, iyadoo uu noqonayo weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka geystaan meel ka baxsan Soomaaliya, sanadkii 2010 ayay aheyd markii Shabaab qaraxyo mataano ah ka geysatay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo Ciidamo nabad ilaalin ka joogaan Soomaaliya.
Jowhar