Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeediyay munaasabada furitaanka kalafadhigii 3AAD ee Golaha Shacabke ee Federaalka Soomaaliya.
“Barlamaanka wuxuu qabtay howlo farabadan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda, iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku farax sanyahay shaqada aad heysaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Hadafkeenu waa in aan dalka gaarsiino doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto Insha Allah waan gaarsiin doonaa
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Barlamaanka iyo gudiyadiisu ay ka warhayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Waxaa uu tusale u soo qaatay in ay horay Raisul Wasaaraha iyo Wasiiro ay Barlamaanka hortiisa ka war bixiyeen.
Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kale uu sheegay in horumar farabadan la gaaray waqtigii yaraa oo ay ka mid yihiin maamulka maaliyadda iyo dib u habeynta ku socoto hey’adaha amniga oo hada ay masuuliyad iska saartay in ay dolwadda ku tababarto dalka gudahiisa islamaarkaasna ay siiso mushaar iyo qalab ay dowladda keentay.
“Mashaariic lagu dhisayo wadooyinka dalka iyo xarumaha bulshada ayaa goor dhaw noo bilaaban doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay Baralamaanka in ay ka sheeqeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.