Madaxweynaha Soomaaliya oo markii u horeysay saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka

0
914

MarkaMadaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka markii u horeysay safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ah booqashadii u horeysay oo dhulka ah oo Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Caasimada Soomaaliya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan lagu daadiyay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Marka, waxaana waabarigii hore saaka dadka ku nool magaalada Marka ku soo tooseen ciidamo fara badan oo jid walba taagan.

Kolonyada galbisay Madaxweynaha oo isugu jira kuwa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa saakay aroortii ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray wadada laamiga ah ee Muqdisho iyo Afgooye, kadibna u gudbay dhinaca Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha ka qeyb geli doono munaasabad lagu dhaqan gelinayo heshiis ay gaareen labo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana magaalada Marka ku sugan wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha gudaha oo dhowaan gaaray.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweynaha ku tago deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo horay safara gudaha dalka markii la doortay uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn iyo deegaanada Puntland.

Source: Jowhar