Malaaq lagu dilay Baydhabo

0
904

TargetingAssasinationRag hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa xalay magaalada Baydhabo ku dilay mid ka mid malaaqyada sida weyn looga yaqaanno gobolka Baay.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay Malaaq Yuusuf Cali Sheekh afaafka hore ee gurigiisa, waxaana u suurtagashay inay baxsadaan markii ay dilka geysteen kaddib.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan howlgal lagu raad joogo dambiilayaasha dilka geystay.

Taliyaha ciidanka madaniga ee magaalada Baydhabo Isaaq Mariixaamow ayaa dilka Malaaq Yuusuf ku eedeeyay kooxda al-Shabaab oo uu sheegay inay caadaysatay dhibaataynta shacabka.

Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay aad uga xumaadeen dilka Malaaq Yuusuf.

 

Source: Bar-kulan