Maraakiibta Dagaalka Bariga dhexe oo lagu wargeliayay inay la dagaalamaan Burcad badeeda Soomaalida

0
1230

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in loo baahan yahay in maraakiibta Badda ee wadamada Bariga dhexe inay la dagaalamaan kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka qaraabta Xeebaha Soomaaliya.

Aqoonyahan u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Peter Lehr, Casharna ka bixiya Jaamacad lagu falanqeeyo arrimaha Argagixisada oo ku taalo dalka Ingiriiska ayaa sheegay in si xoog badan loogu baahan yahay in ciidamo iyo Maraakiib la dagaalamo Burcad badeeda loo daad gureeyo Xeebaha Gacanka Cadan.

Peter Lehr oo hada qoray Buuk ku saabsan Taariikhda Burcad Badeeda ayaa TV-ga Al-Carabiya u sheegay in wadamada Maraakiibta ku biiri karaan Ciidamadaan ay ku jiraan dalalka Saudi Arabia, UAE iyo dalka Cuman.

Aqoonyahankaan ayaa sheegay in wadanka Sacuudiga si caadi ah uu hogaan ugu noqon karo Ciidamadaan,maadama Sacuudiga ay leedahay ciidamada Badda ee ugu Ballaaran marka loo eego dalalkaasi, wuxuuna sheegay in wadamada ku yaalo Bariga Afrika aysan awood u lahayn inay la dagaalamaan Burcad Badeeda Soomaalida.

Markab