Mas’uuliyiin ka socota W/Arrimaha Gudaha oo la kulmay maamulka iyo shaqaalaha cisbitalka guud ee Marka

0
841

MarkaBeachMas’uuliyiin ka socota wasaradda arrimaha gudaha oo howlo shaqo u jooga Magalada Marka ee Xarunta Gobalka Sh/Hoose ayaa xalay kulan la qaatay waxgaradka gobalkaasi, iyagoo ka wada hadlay sidii dib loogu howlgalin lahaa Cisbitaalka Magalada Marka.

Mas’uuliyiin uu hogaaminayo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cali Abtidoon Xalane oo safar shaqo ku jooga magaalada Marka ayaa kulamo la qaatay maamulka iyo shaqaalaha hey’ada COSVO oo gacanta ku heysa cisbitalka guud ee magaaladaasi.

Kukanka ayaa looga hadlay sidii dib loogu howlgelin lahaa cisbitalkaasi oo in muddo ah xirnaa iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaaf la sheegay in uu ka dhex taagnaa shaqaalaha iyo maamulka cisbitalka, kaas oo sababay in hakad uu ku yimaado howlihii cisbitaalka iyo adeegyadii dhinaca caafimaadka ee uu bilshada u hayay.

Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa kulankaasi kadib sharaxay qorshaha ay wasaaradu ku dooneyso dib u howlgelinta cisbitalka, isagoo ku dhiirigeliyay maamulka iyo shaqaalaha cisbitalka iney dar dar geliyaan howlaha caafimaad oo ay bulshada u hayaan.

‘’Wasaaradu waxey balanqaadeysa in hey’ado caalami ah ay yimaadaan cisbiotalka, waxa kale oo ay balanqaadeysaa iney kormeerto kana hortagto cid kastoo qilaaf wado maamul ha ahaato ama shaqaale, mar kastana waa idinka warqabidoonaa kormeeraan idiin soo direynaa wixii xuquuq ah oo ka maqan shaqaalahana waan daba geleynaa’’ Sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cali Abtidiin Xalane.

Cisbitalka guud ee magaalada Marka ayaa in muddo ah xirnaa kadib markii sida la sheegay shaqaalaha cisbitalka ay soo wajahday mushaar la’aan, iyadoo gaabis noqdeen tas hiilaadkii ay bixin jirtay hey’ada COSOVO oo gacanta ku heysay cisbitaalkaasi.

 

Radio Muqdisho