Nabadoon Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaakiya in la sii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Afhayeenka Golaha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay sii deeyaan Sheekh Aweys oo la sheegay in la doonayo in loo sii dhaadhiciyo Xabsiga Dhexe.
“ Xaalad Caafimaad ayaa la soo daristay Sheekha, waxaana isku howleenay sidii dowladda aa uga raaridi laheyn in dalka dibaddiisa loo wado gaar ahaan dalka Qadar si halkaasi loogu dabiibo Sheekh Aweys” ayuu Yiri Nabadoon Axmed Diiriye Cali.
Hadalka Nabadoonka ayaa imaanaya xilli warar Hoose ay sheegayaan in agabkiisii oo horay looga qaaday sida Mobile-ka Gacanta iyo Lap Top kiisa dib loogu celiyay kadib wada hadal dhexmaray Odayaasha Hawiye iyo Taliska Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed.
Shabelle