Wararka Shabelle ay ka helayso Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in nin Soomaali ah oo Magaciisa la yiraa Yaasiin Xirsi Diiriye uu ku geeriyooday weerarka maanta dableyda hubaysan ay ku qaadeen Suuqa Ganacsi ee Westgate ee Magaalada Nairobi.
Allaha u Naxariistee Yaasiin Xirsi Diiriye ayaa la sheegay in ay la socotay xaaskiisa Maryan Yaasiin Xaaji Jirde balse iyadu ay badbaaday weerarkaasi markii ay ka soo baxsatay Gudaha Suuqaasi, ilaa haatan qofkaasi Soomaaliga ah ayaa la og yahay inuu yahay qofka keliya ee Soomaali ah ee ku geeriyooday halkaasi.
Maanta ayaa kooxo hubaysan waxa ay weerareen Suuq ganacsi oo ku yaal Magaalada Nairobi iyadoo tiro ka badan 20 ruux halkaa ku dilay.
Shabelle