Prof Jawaari oo canbaareeyey weerarkii West gate oo lagu leeyey dad shacab ah

0
879

WestGateMall20130922_1Dawladda Federaalka Soomaliya waxay canbaareyneysaa weerarkii lagu qaaday dadweynaha rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ka dukaameysanayay Suuqyaraha ‘Westgate’ ee Nayroobi 21kii September 2013. Waxaanu tacsi laabta ka timi u direynaa dadka Kiiniya, gaar ahaan qoysaskii dadku halkaa kaga geeriyoodeen.

Dagaalka iyo gacan ka hadalku, wejiguu doono ha lahaado, ciddi doontaana ha ka masuul noqotee, maaha wax la aqbali karo; Dawladda Federaalka ee Soomaaliyana waxay si adag ula safan tahay Beesha Caalamka ee canbaareysay ficilkan qaloocan.

Waxaanu llaahay ka baryeynaa in arrintani degdeg u soo afjaranto iyadoo aan khasaare kale oo badani dhicin.

Dhacdadan qaloocani waxay hoosta ka xariiqeysaa mar kale sida loogu baahan yahay in ay is kaashadaan dawladaha gobolku si loo helo nabad waarta. Waxaynu u baahan nahay in aynu ka wada shaqayno sidii loo heli lahaa xal wadajir ah oo looga hortago dagaalada iyo dhibtooda.

Illaaheey haynugu hadeeyo dariiqa guusha.