Xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku biiray camabaareeyna loo jeedinayo weerarada alshabab ay sheegteen ee lagu qaaday suuq ku yaala magaalada magaalada Nairobi.
Waxyar kadib markii weerar lagu qaaday suuq ku yaal magaalada Nairobi ayna sheegteen kooxda Shabaab ayaa waxaa sii kordhayay cambaareynta ku wajahan falkaasi oo ay ku geeryoodeen in ka badan 30 ruux ku dhawaad 200 ku dhaawacmeen.
Golaha amaanka ee Jimciyada Qurumaha ka dhexeeysa ayaa codkooda ku biirayay sida ay u cambaareynayaan falkii wuxuushnimada lahaa ee ka dhacay dhismaha ganacsi ee ku yaala magaalada Nairobi halkaasi oo weli ay ku xanibanyihiin dad aad u faramadan oo suuqaasi u soo dukaamaysi tagay ka hor inta aanu weerarkaasi dhicin.
Shan iyo Tobanka xubnood ee joogtada ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Shinaha iyo Faransiiska ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen magaalada Newyorka ee xaruunta Qaramada Midoobay ku shegeen in ay ka xunyihiin dhibaatadaasi, ayagoo tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday.
Wakaalada wararka Faransiiska AFP oo wax ka qortay war muritiyeed goalaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen ayaa sheegtay in goluhu ay wacad ku mareen in la joogtayn doono gulufka colaadeed oo lagula jiro kooxaha argigixsada.
Radio Muqdisho