Kooxda la socodka xayiraadaha saaran Soomaaliya iyo Ereteria ayaa kala hadlay dowladaha carabta iney joojiyaan dhuxusha ay Soomaaliya ka dhoofistaan si loo hor istaago dhaqaale ay kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ka helaan dhoofinta dhuxusha
Jariirada The Fanancial Times ee ka soo baxday dalka Britain ayaa sheegetay in Wadaxaajoodyada u dhexeeya gudiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha la socodka cuno qabateenada Soomalia iyo hogaamiyaasha dalalka khaliijka uu ujeedkiisu yahay sidii looga hortagi lahaa ilaha dhaqaale ee kooxaha Shabaab, ayadoo Jimciyada Qurumaha ka dhexeysa ay ka walacsantahay goobaha dhaqaalaha uu ka soo galo shabaabka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay maraakiib sidda dhuxul oo ku xiran Dekeda imaaraadka, iyo Masar kuwaasi oo saraakiisha Qaramada Midoobay ay sheegeen in ay tijaabo u tahay in wadamada bariga dhexe ay xoojinayaan cunaqabateenada caalamiga ah.
Warqad qoraal ah oo loo gudbiyaay wakiilka joogtada ah oo imaaraadka u fadhiya Qaramada Midoobay Axmed Aljarman ayaa lagu cadeeyeey in bishii Ogosta 2 magaalada Kismaayo uu ku soo xirtay Markab lagu magacaabo MV Energy 3, kaasi oo ay saarnaayeen boqol afartan kun, 895 kiis oo dhuxul ah kaasi oo muddo maalmo gudohoodina ku xirtay Dekeda Abu Dubay ee xaruunta isu taga imaaraadka carabta sidaasina waxaa sheegey Jarat Chopra oo madax u ah gudigaasi.
Qaramada midoobay ayaa ku eedeysay ganacsatada khaliijka in ay si kotorbaan ahaan uga ganacsadaan dhuxusha laga keeno Soomaalia taasi ee dalalka umadaha midoobay ay u arkaan in ay tahay isha dhaqaalaha uu ka soo galo Soomaalia wana digniintii ugu horeysay oo loo soo jeediyo wadamadaasi.
Gudiga oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa xusay in lacago gaaray 25 million oo dolarka mareykanka ah ay kooxda shabaab ka heleen dhoofinta dhuxusha 2011 kuwaasi oo ay sheegtey in ay u isticmaaleen kordhinta howlaha dhibaataynata ay ka wadaan Soomaalia waxayna intaasi ku dareen in howlo dheeri ah ay qabteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaalia oo 2 sano ka hor muqdisho ka saaray shabaab.
Qaramada midoobay ayaa aaminsan in xiriir weyn uu ka dhexeeyo ganacsatada imaaraadka ee xaga dhuxusha iyo kuwa ka socda kooxda shabaab lamana saadaalin karo halka ay u biyo shuban doonaan natiijoouonka ka soo baxay wada xaajoodyadkasi.
Radio Muqdisho