Qabanqaabada shirka maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed oo ka socda Baydhabo

0
932

baydhabo2Qabanqaabada shirka maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa si xoog leh uga socota magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo qabanqaabada ay wadaan odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo.

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiiino oo ka mid ah malaaqyada wada qabanqaabada ayaa Bar-kulan u sheegay in qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulka loo sameynayo ay soo gaareen magaalada Baydhabo.

Malaaq Cali waxa uu sheegay inay sameeyeen guddi odayaal dhaqameed ah oo loo xil saaray qabanqaabada qabsoomidda shirka.

Dhowaan ayaa shir Baydhabo ka dhacay oo uu ka qeyb-galay afhayeenka baarlamaanka federaalka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa lagu go’aamiyay in maamul goboleed loo sameeyo gobollada Baay, Bakool, Gedo, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Bar-kulan