Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la gaarsiiyay qalab ay ku deeqeen jaaliyadda gobolka Hiiraan ee Yurub iyo Canada.
Qalabka loogu deeqay isbitaalka ayaa isugu jira qalabka qalliinka iyo kan looga umuliyo haweenka xilliga ay ku adkaato dhalmada iyo qalab kale.
Madaxa caafimaadka ee isbitaalka Beledweyne Dr. Xasan Cumar Siyaad ayaa sheegay in qalabkan uu yahay mid ku soo begmay xilli aad loogu baahnaa, gaar ahaan qalabka looga umuliyo haweenka, oo uu tilmaamay in uu wax badan ka tari doono fududaynta dhalmada dumarka oo aad u adkaata.
Waxa uu uga mahad celiyay jaaliyadda dibadda ee deeqda gaarsiiyay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Dr. Axmed Maxamed Khaliif, oo isaguna ka hadlay deeqda la gaarsiiyay isbitaalka ayaa sheegay in ay jirtay baahi badan oo loo qabay in la helo qalab noocan ah.
Waxa uu sheegay in isbitaalku uu qaabilo bukaanno badan oo u baahan adeegyo caafimaad oo kala duwan, isaga oo rajo ka muujiyay in qalabkan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha jiro ee isbitaalka.
Isbitaalka ayaa waxaa uu yahay mid ka liita dhinacyada daryeelka caafimaadka, xilli ay badan yihiin bukaannada ku jiro isbitaalka ee u baahan adeegyo caafimaad oo kala duwan.
Dabayaaqadii sanadkii tagay ayay hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF Switzerland, waxa ay joojisay adeegyadiii ay siin jirtay isbitaalka.