Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Degmada Afgooye

0
1337

QaraxMuqdisho20130908_2Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa ku soo warramaya in qarax Miino lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay saaraayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u sheegay in qaraxu uu saameeyay Gaariga ay saarnaayeen Askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.

Inta la xaqiijiyay Seddex Askari oo mid ka mid ah darawalkii gaariga kaxeynayay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Sh/hoose , warar ayaa sheegaya in illaa 6 dhaawac ah oo ku soo waxyeeloobay qaraxii maanta lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Xalay ayaa Kooxo Hubeysan waxa ay weerar ku ekeeyeen Xarun Ciidanka Midowga Afrika ay ku leeyihiin Deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo laga Maqlay Rasaas iyo Madaafiic muddo kooban ka dheceysay oo dhinacyadu halkaasi ay isku weedaarsanayeen.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska Hor’imaadkaasi balse xaaladda ayaa saaka ah mid degan.

 

Shabelle