Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho

0
1142

QaraxMuqdishoQaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso islamarkaana Laga hago Rumuud Kontaroolka ayaa Xalay waxa uu ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa lala Bartilmaamsaday Gaari nuuca raaxada ah oo Marayay Xaafado ka tirsan Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Sida dad Deegaanka ah ay u Xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Qaraxaasi waxaa ku dhintay Nin Magaciisa lagu sheegay Qaasim Xasan Taakow oo Howl wadeen ka ahaa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Soomaaliya iyo Air-Portka Muqdisho.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka wada tirsan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo halkaasi Howl gallo ka billaabay.

Sikastaba Muqdisho aalaaba waxaa ka dhaca Qaraxyo kala duwan kuwaasi oo inta badan Masuuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al Shabaab.

Source: Shabelle