Qarax Khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Jowhar

0
1225

JowharSida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe qarax bambaano ayaa xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya fariisin ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladaasi Jowhar.

Bam Gacmeedka ayaa la sheegay in uu khasaaro ka soo gaaray Ciidanka dowladda ee bamka lagu weeraray , inkastoo aan la cayimin xaddiga khasaaraha weerarkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in qaraxa kadib ay rasaas fureen inkastoo aan la soo warin khasaaro ka dhashay rasaastaasi.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ee Gobolka Sh/dhexe ayaa ka gaabsaday In ay faah faahin ka bixiyaan bam gacmeedka xalay lagu weeraray Ciidanka dowladda ee ku sugnaa duleedka degmada Jowhar.

Sikastaba Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka howl gallo ka wada qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe.

Shabelle