Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Soo Gaaray Dad Rayid ah Oo Xalay Ka Dhacay Beledweyn

0
939

Qarax20130616Labo qof ayaa ku geeriyootay Sadex kalana wa ay ku dhaawacmeen Bam gacmeed Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay xalay la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Beledweyne.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood ahaa dad rayid ah ayaa xalay maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab waxa ay ku weerareen Bam gacmeed xilli ay dadkaasi ku caweeynayeen xaafadda howlwdaag ee magaalada Beledweyn.

Ciimadamada amaanka ayaa isla xalay howlgalo ka sameeyay xaafadaasi, iyagoo gacanta ku soo dhigay tiro dad ah oo looga shakisanyahay iney gacansaar la leeyihiin maleeshiyaadka Shabaab, kuwaas oo baaritaan uu socdo.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa haatan lagu daweeynayaa cisbitalka guud eee magaalada Beledweyn, waxaana saaka cisbitalka ku booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyn.

 

Radio Muqdishu