Qeybaha bulshada Soomaalida ee ku nool gobolada dalka ayaa ugu baaqay dadka Soomaalieyed inay ka faa’iideystaan qorshaha Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, islamarkaana ay dowlada ku gacan siiyaan sidii dib u dhis loogu sameynlahaa dalkeena.
Qaar ka mid bulshadaSoomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka oo la soo xiriiray Radio Muqdisho ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay taageerada beesha caalamku ugu yaboohday Soomaaliya iyo shirka Brussels.
Odayaal iyo Salaadiin ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa rajo wanaagsan ka muujiayay in lacagaha loo yaboohay Soomaaliya ay wax weyn ka tari doonto qorshaha dowlada ee ku aadan dib u dhiska dalka, sugida amaanka, horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.
Sidoo kale waxey ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed iney dowlada Federaalka ku taageeraan taageerada lacageed ee loo yaboohay taasoo dalka dib ugu dhiseyso Sadexda sano eee soo socora.
Radio Muqdisho