Qorshe xilka looga qaado gudoomiyaha Shabeelaha Hoose oo socda

0
862

CabdulqadirSiidi20130610Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowlada Soomaaliya ay waddo qorshey ay xilka kaga qaadeyso gudoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, waxaana la sheegayaa in qorshahaasi uu yahay mid labo wasaaradood ay wadaan.

Waxii ka dambeeyay markii cabasho badan ay kasoo yeertay waxgaradka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa jirtay hakin lagu sameeyay shaqada gudoomiyaha, waxaana arintaasi sameeyay ra’iisulw asaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid.

Wasaarada Gaashaandhiga iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa la shegayaa inay qorshahaasi ka wado gobolka, waxaana la sugayaa in halkaasi ay gaaraan masuuliyiinta ugu sareeya labada wasaaradood.

Odayaasha dhaqanka ayaa horay waxay usoo gudbiyeen dacwado ka dhan ah gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto dacwadoda.

Allpuntland