Ra’iisul W. Saacid ayaa qado soo dhoweyn ah u sameeyey waxgaradka ka soo jeeda jubooyinka

0
849

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho qado sharaf ugu sameeyey maamulka kumeelgaarka ah iyo wax-garad ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka.

Munaasabaddan qadada ah oo ay ka soo qayb-galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka Jubooyinka ayaa ujeedadeedu ahayd in la dhiiri-geliyo heshiishkii magaalada Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda federalka ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee jubba ee uu hoggaamiyo Shiikh Axmed Islaan (Axmed Madoobe).

Raiisulwasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa ku tilmaamay in heshiiskaas uu ahaa mid taariikhi ah, isagoona balanqaaday in dowladdiisu ay fulin doonto heshiishka, islamarkaasina ay fududeyn doonto hab-socodka dub-u-heshiisiinta gobolada Jubbooyinka.

“Waxaan si niyad ah u soo dhoweyneynaa heshiiskii Addis Ababa, dhamaan safarradii aan ku tegeynay Kismaayo waxa ay ahaaayeen kuwo aan nabad ku dooneynay, annaguna waxaan muujinay sabur. dowladdu waxa ay samayneysaa fududaynta wadahadalada iyo dib-u-heshiisiinta” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid .
Ra’iisulwasaare Saacid ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xilliga la qaban doono wejiga kowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta, waxana uu sheegay in 05, Oct, 2013 uu shirkaas ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo wejiga labaad ee shirkaasina lagu dhamaystiri doono magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale hoggaamiyaha kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbooyinka mudane Shiikh Axmed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Soomaaliya iyo bulshada gobolka Banaadir uga mahadnaqay soo-dhoweyntii ay ugu sameeyeen magaalada Muqdisho, waxaana uu xusay in intii uu joogay Muqdisho uu kulamo guud iyo kuwo gaar ah uu la yeeshay dadka ka soo jeeda Jubbooyinka, islamarkaasina si weyn la isugu soo dhowaaday.

“Intii aan joognay Muqdisho wax badan ayaa noo qabsoomay, kulamo badan ayaan galnay, si fiican ayaana la isugu afgartay. Waxaan u soo marnay waddo dheer laakiin maanta caqabado badan ayaan ka gudubnay, qof kasta oo wax tabanaya waxaan diyaar u ahay in aan u tago xaal mariyo .Arrintan waxa ay horseed u tahay nabad iyo dhisme dowlad oo Soomaaliya ka hanaqaada” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo warfaafinta C/kariim Xasan Guuleed iyo C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlay madasha ayaa bogaadiyey heshiishkii Addis Ababa, iyagoo muujiyey sida dowladda Soomaaliyeed ay diyaar ugu tahay taabbagelinta heshiishka Jubbooyinka.

WaxgradkaJubooyinka20130911_2 WaxgradkaJubooyinka20130911_3 SaacidIyoWaxgradkaJubooyinka20130911_1 AxmedMadoobe20130911_1 WaxgradkaJubooyinka20130911_1