Ra’iisul Wasaaraha oo qadka telefoonka uga tacsiyadeeyey Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru

0
849

Saacid20130410_2Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee ka dhacay suuq laga dukaameysto oo lagu magacaabo Westgate kuna yaala bartamaha faras-magaalaha Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka xalay kula hadlay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, isaga oo uga tacsiyeeyey dhibaatada shacabka ka soo gaartay Westgate, oo ay weerareen kooxo argagixiso ah, kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac baahsan u geystay dad rayid ah.

“Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, aadbey uga xun yihiin dhibaatada loo geystay shacabka aanu walaalaha nahay ee Kenya, si buuxda ayaana u cambaareynayaa dhacdadaan foosha xun” ayuu ku yiri Ra’iisul Wasaaruhu madaxweyne Uhuru Kenyata mar uu la hadlayay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii ku sugnaa goobta, wuxuuna ku tilmaamay falkan mid muujinaya qatarta iyo arxan darida kooxaha argagixisada.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa uu si buuxda u garab istaaganyahay walaalaha reer Kenya, si la mid ah sida ay dadka Kenya iyo dawladduba inoo garab istaageen waqtigii noogu adkaa” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.