Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Geneva ee caasimadda dalka Switzerland, isagoo ka qeyb-gali doona shir caalami ah oo ku saabsan bini’aadannimada.
Afhayeenka raysul wasaaraha, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in raysul wasaaraha uu sidoo kale socdaal ku tagi doono dalka Turkiga.
Xubnaha raysul wasaaraha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka garsoorka, Cabdullaahi Abyan Nuur.
Afhayeenka wuxuu sheegay in safarka raysul wasaaraha uu ku tagi doono dalka Turkiga uu ku saabsan yahay sidii xukuumadda Soomaaliya ay heshiis dhinaca milateriga ah ula saxiixan lahayd dowladda Turkiga, waxaana lagu wadaa in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya uu ka qeyb-galo kulamada ka dhici doona Turkiga.
Waa socdaalkii ugu horreeyay ee raysul wasaare Shirdoon uu ku tago qaaradda Yurub tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii October, 2012.
Source: Bar-kulan