Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo casho sharaf iyo kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland

0
911

Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa xalay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda Djibouti Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.

Kulankan cashadda ah oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Wafdi ee Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay in ay hakad galisay.

Kulankan waxaa dhanka Wafdiga Ra’isul Wasaaraha kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiir ku-xigeenadda Ganacsiga iyo Khayraad, halka dhinaca Wafdiga Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud faroole ay kamid ahaayeen Wasiirrada Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Puntland.

Markii ay cashadu soo dhamaatay waxaa Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah oo saacado qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamuud faroole.
Kulankan waxaa la qiyaasayaa in uu u xuubsiiban doono wada hadalo kale oo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta Maamulka Puntland iyo Dawladda Federlaka Soomaaliya.

 

SaacidFarooleDjibouti20130908_2 SaacidFarooleDjibouti20130908_1