Rasaas culus oo laga maqlay gudaha Westgate

0
896

WestGateMall20130923_1Rasaas xooggan ayaa laga maqlay gudaha dhismaha dukaamada Westgate iyadoo xooggaga ammaanka ay weerareen dableyda Al-Shabaab oo dad ku haysata gudaha.

Ciidanka ammaanka Kenya ayaa sheegay inay badbaadiyeen inta badan dadkii lagu haystay gudaha dhismaha, balse tiro aan la garanayn oo la-haystayaal ah ayaa wali ku xanniban gudaha.

Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerartay xarunta dukaameysiga maalintii Sabtida iyagoo adeegsanayay bambooyin iyo qoryaha fudud.
Weerarka waxaa ku dhintay 68 qof, in ka badan 150 kale waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay hay’adda laan-qayrta cas ee Kenya.

Afhayeenka ciidanka milateriga Kenya, Kornayl Cyrus Oguna ayaa telefishinka Al Jazeera u sheegay in lagu guuleystay sii deynta la-haystayaal badan, in kastoo uusan bixin tiro rasmi ah.

Oguna wuxuu sheegay in afar ka tirsan ciidanka Kenya lagu dhaawacay howlgalka badbaadinta ee socda.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarrada ayaa dul heehaabaya dhismaha.

 

Bar-kulan