Saraakiil Ciidanka Asluubta ka tirsan oo Xabsi loo taxaabay

0
919

XabsigaDhexeMuqdishoSida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Xabsiga dhexe ee Muqdisho waxaa Xabsiga loo taxaabay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Saraakiishaan oo lagu eedeeyay in ay sii daayeen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab horana uu ugu dhacay xukun dil toogasho ah oo ku xirnaa Xabsiga ayaa waxaa ka mid ah Nin Magaciisa lagu sheegay Tima Cade oo xabsiga ka ahaa kal kaaliye Caafimaad iyo Weliba Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidankaasi oo aan Magaciisa la shaacin.

Saraakiishaan la xiray ayaa la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin sii deynta sarkaal xukun dil toogasho ah uu ku dhacay oo ka tirsanaa Al Shabaab, iyadoo aan la shaacin saraakiishaan xabsiga la geeyay, balse waxaa la xaqiijiyay in ay ka xeysteen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida qaranka Soomaaliyeed.

Horay ayaa sidoo kale kiiskaan waxaa loo qab qabtay saraakiil ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 

Shabelle