Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS oo tababar casri ah ku qaadanaya dalka Turkiga

0
894

SoamliMiliteryTrainingInTurkey120 saraakiil ah oo ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar socon doona muddo sanad ah waxa uu uga furmay dalka Turkiga, ayadoo tababarkaasina uu yahay wejiga Koobaad ee hirgelinta heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Wasaaraddaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga.

Xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Radio Muqdisho u sheegay in saraakiisha tababarka loogu furay dalka Turkiga ay gaarayaan ilaa 120 kuwaas oo ka mid ah ciidamada ugu horeeya ee lagu tababarayo dalka Turkiga.

Sidoo kale Xoghayaha ayaa intaa ku daray in tababarkani uu qeyb ka yahay dhaqangelinta heshiis ay kala saxiixdeen wasaaradaha Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga waxeyna ciidamadani qaadan doonaan tababar ciidan oo casri ah.

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcadii ugu horeysay ee ka tirsan ciidamada XDS oo dowlada Turkigu tababar ugu qaaddo dalkeeda.

Radio Muqdisho