Shirar looga hadlayo xaqiijinta kala wareejinta Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo bilowday

0
941

MuqdishoAirport20130611Shirar looga hadlayay kala wareejinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa shalay ka dhacay gudaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dhowaan lagu wado in shirkad laga leeyahay dalka Turkiga inay si rasmi ah ula wareegto howlaha Garoonka, kadib markii la fasaxay Shirkadii SKA oo muddo labo sano ka badan garoonka maamuleysay.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Mas’uuliyiin ka socotay Shirkada SKA ee wareejineysa maamulka Garoonka iyo Shirkada lagu magacaabo FAVORI ee laga leeyahay Turkiga ayaa lagu dhawaaqay in 15-ka bishan ay si rasmi u dhaceyso kala wareejintay.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkada FAVORI ee laga leeyahay dalka Turkiga ay bilowday inay qalablkii ay ku howl geli laheyd keensato garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana maalmihii u dambeeyay garoonka degayay diyaarado waa weyn oo nuuca xamuulka ahaa oo qalab u siday shirkadan.

Gudiga xaqiijinta kala wareejinta Garoonka oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, isgaasiinta iyo Gaadiidka, Maareeyaha Hey’adaha Saadaasha hawada, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka ayaa shalay shir saddex geesood ah la qaatay labada shirkadood ee ku kala wareegeysa maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirkan oo ujeedadiisu ahaa in la xaqiijiyo qorshaha kala wareegga labada shirkadood ayaa looga hadlay sidii maamulka garoonka loogu wareejin lahaa shiradda FAVORI marka la gaaro waqtiga ku qornaa heshiiska oo ah 15-ka bishan September Guddida ayaa markii ay dhageysteen warbixinada labada shirkadood waxay go’aamiyeen in shirkadda SKA ay isku diyaariso inay la wareegto maamulka garoonka Aaden Cadde marka la gaaro 15-ka bishan.

Maalinta sabtida ayaa la sheegay inuu dhici doono shir kale oo lagu xaqiijinayo in shirkada FAVORI diyaar u tahay inay shaqada la wareegto, isla markaana heysato qalab ku filan iyo shaqaalaha u diyaarsan in shaqada ay la wareegaan maalinta ku xigta ee Axada oo ku beegan 15-ka September.

Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay aheyd markii Golaha Wasiirada ay meel mariyeen heshiis shirkad laga leeyahay Turkiga kula gashay in garoonka diyaaradaha la wareegto, iyadoo la kansalay heshiiskii lagula jiray shirkada SKA oo sanadkii 2010 la wareegtay maamulka garoonka.

Source: Jowhar