Waxaa maanta magaalada Brussels ee dalka Belgium si rasmi ah ugu furmey shirka New Deal iyo “Compact” oo loogu tala galey dib u horumarint iyo dib u dhiska Somaaliya.
Shirka waxaa qabanqaabiyey Midowga Yurub waxaana ka soo qeyb galey dowlado badan iyo Heyadaha caalamiga oo xiiseeya sidii dhibaatada Somaaliya wax looga qaban lahaa.
Shirka waxaa khudbad qaayo badan ka soo jeediyey madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo si weyn ugu hadley xaaladda Soomaaliya iyo sida dowladaha caalamka ay gacan weyn ugu geysan lahaayeen dib u dhiska Somaaliya. Waxaa sidoo kale shirka ka hadley Madaxweynaha Jabuut mudane Xasan guuleed abtidoon, wasiirka arrimaha jabuuti iyo madax kale.
Waxaa sidoo kale shirka ka soo qeyb galey madaxda Gobol goboleedka Soomaaliya iyo qaar ka mid gobolada dalka
– Cabduraxmaan Faroole madaxweynaha Puntland
– Sheekh Axmed Madoobe – Madaxweyanah Jubaland
– Cabdi Qeybdiid – madaxweynaha Galmudug
– Cabdulqaadir Sidi GudoomiyahaShabelada Hoose
– Cabdi Jiinow Gudooniyaha Shabelada Dhexe
– Cabdi Aden Huusow Gudoomiyah Gobolka Bay
– Iyo xubno ka tirsan ururada bulshada.