Shirkii Baydhabo oo lagu go’aamiyay dhismaha maamul goboleed ka kooban lix gobol

0
935

baydhabo2Shirkii maalmahan ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaaana laga soo saaray qoraal ka kooban toddob qodob oo uu ka mid yahay in la dhiso maamul goboleed ka kooban lixda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Lixda gobol ayaa kala ah Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo iyo Shabeellaha Hoose.

Qodobbada kale waxaa ka mid ah in si buuxda loo taageero midnimada iyo habka dimuqraadiyadda dalka, inaan la aqbali karin heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku dhex maray Addis Ababa iyo in beesha caalamka iyo dowladaha deriska ay goob-joog ka ahaadaan dhismaha maamulka goboleedka cusub.

Shirka waxaa ka qeyb-galay siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, waxgarad, xubnaha ururrada bulshada rayidka ee gobollada Baay iyo Bakool.

Deegaannada Baay iyo Bakool ayaa si adag looga soo horjeestay heshiiskii August 28 dowladda federaalka ay ku aqoonsatay maamulka KMG ah ee Jubba ee uu hoggaamiyaha ka yahay Axmed Madoobe.

 

Bar-kulan