Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho ayadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ay kusoo dhaweeyeen Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylani Nuur Iikar, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirro,xidlhibaanno, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ka hor inta aanay wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka kasoo ambabixin magaalada Baydhabo waxa uu ka qeybgalay munaasabad lagu soo gebagebeeynayey shir wadatashi ah oo Afartii cisho ee aynu kasoo gadubnay magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay ka qeybgaleen Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaanno, siyaasiyiin,maamulka gobolka Baay,ururrada bulshada rayidka,haweenka iyo dhalinyarada kasoo jeeda gobollada Koonfur Galbeed.
Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyey munaasabadaasi ayaa tilmaamay in dadka reer Baydhaba uu kala kulmay soo dhaweyn aad u ballaaran iyo dowladnimo jecel waxaana uu kula dardaarmay in mar walba ay ilaaliyaan midnimada umadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda.