Shirkii Dib u Heshiisiinta Jubooyinka oo loo wareejiyay Kismaayo

0
746

ShirkaKismayo20130611Shirkii Dib u Heshiisiinta Jubooyinka ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa loo wareejiyay magaalada Kismaayo, iyadoo gogosha shirkaas uu fidinayo Maamulka KMG ee Jubba.

Sida ay sheegayaan wararka kulan qado sharaf ah oo shalay Muqdisho loogu sameeyay Wafdiga Axmed Madoobe, ayaa odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubooyinka ay ku aqbaleen in shirka loo wareejiyo Kismaayo, si howlaha dhiman loogu dhameystiro.

Gudoomiyaha Gudiga xiriirka Jubooyinka Suldaan C/qaadir Luga Dheere ayaa sheegay in gogoshii shirka Jubooyinka ay go’aansadeen in loo wareejiyo Kismaayo, isla markaana ay taas raali ka yihiin.

Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo in gogoshii shirweynaha dib u heshiisiinta loo wareejiyo Kismaayo, isla markaana uu wax alla wixii karaankiisa uu sameynayo, isla markaana gogosha fidinayo.

Waxaa uu sheegay in cid kasta ay u furan tahay shirkaas inay ka soo qeyb galaan oo ah dadka ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka, inkastoo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ay xilligan saluugayaan sida ay shirkaas uga qeyb geli karaan, maadaama uu marti gelinayo Axmed Madoobe.

Heshiiskii Addis Ababa ka soo baxay ayaa dhigayay in shirweyne dib u heshiisiin lagu qabto Muqdisho, kadibna mid kale ka dhaco magaalada Kismaayo, iyadoo wali aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan mowqifkeeda shirka loo weecinayo Kismaayo.

 

Source: Jowhar