Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyaasha caalamka oo Isniinta wada saxiixi doono qorshe muddo saddex sano ah dib loogu dhisaayo dalka Soomaaliya

0
958

EUFlagsWaxaa lagu wadaa maalinta Isniinta ah in Dowlada Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyaasha caalamka ay saxiixi doonaan qorshe muddo saddex sano ah maalinta isniinta kaasi oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya sid ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

Midowga Yurub ayaa ka rajaynaya shirkaasi in qorshaha taageerada dhaqaalaha Soomaaliya uu gaaro in ka badan hal bilyan oo Yuro oo wax loogu qabanayo dalka Soomaaliya.

Dalka Belgium Shirka ka dhacaya ayaa waxyaabaha sida aadka looga hadli doono waxaa ka mid ah arrimaha dhanka ammaanka dalka dagaalada ay ka taagnaayeen tan iyo waxii ka dambeeyay 1991-kii.

Shirka Isniinta ee arimaha Soomaaliya looga hadlaayo ayuu sheegay Nick Westcott oo ah diblu maasi sare inuu yahay mid wax weyn ka tari kara dib u dhiska siyaasada dalka Soomaaliya.

Nick Westcott ayaa sheegay inay qasab tahay in wax laga qabto qilaafkii ka jiray 20kii sano ee ugu dambaysay Soomaaliya, wuxuuna Diblumaasigaasi sheegay in Midowga Yurub uu garab qabanaayo Soomaaliya si looga gudbo Qilaafkaasi oo hadda u muuqda mid sii dhamaanaya.

Dhanka kale ergooyinka ka qeybgalaaya shirkaasi ayaa ah ku dhawaad 50 wafuud oo heer caalami ah oo ay ku jiraan dalalka Afrika, Mareykanka, Japan, Shiinaha, wadamada carabta qaar iyo waddamada ku bahoobay midowga Yurub.

 

Somaliweyn