Srdoonka Ingiriiska oo baadigoob ugu jira rag ka tirsan Al-shabaab

0
983

Alshabaab1Warbaahinta kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa bogagooda hore saakay kusoo daabacay in Hay’ada sirdoonk Ingiriiska ee MI5 baadi goob ugu jirta Rag lala xiriirinayo Al-shabab oo ku dhuumaaleysanaya meelo kamid ah Britain.

Warbixin ay soo saartay Hey’ada MI5 ayaa lagu sheeegay iney u diiwaangashanyihiin in ka badan 60 argagixiso ah oo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin kooxda Shabaab kuwaas oo iminka la baadigoobayo, taas oo ka dambeysay weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Westgate.

Arrintan ayaa imaaneysa markii saraakiil u hadashay wasaarada arrimaha dibada ee Brtain ay sheegeen in 67 qof oo isugu jira rag, haween iyo caruur lagu dilay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen 6 qof oo heystay dhalashada dalka Ingiriiska.

Saraakiisha hey’ada MI5 waxa ay tilmaameen iney sii wadayaan baaritaanada lagu sameeynayo dadka lala xiriirinayo iney ka tirsanyihiin Alshabaab, ayagoo ka dalbaday jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain iney gacan ku siiyaan la dagaalanka argagixisada.

Warkii