Taliyaha Ciidamada booliiska Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Beledweyn ee G/Hiiraan

0
765

GeneralSaacid20130511_3Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saacid ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gen. Saacid ayaa garoonka diyaaradah ee Ugaas Qaliif waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Meleteriga dowlada iyo kuwo walaalaha Jabuuti ee ka tirsan AMISOM.

Taliyaha ciidamada Booliiska Gen Saacid ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Dhanka kale taliyaha ayaa kulan ay albaabadu u xiranyihiin la leh saraakiisha ciidamada Booliiska iyo mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan.

Radio Muqdisho