Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyo Askar Ciidamada Asluubta ah oo Nabad Sugida ay xirtay

0
1124

XabsigaDhexeMuqdishoIlo lagu kalsoonyahay ayaa Shabelle u xaqiijiyay in la xiray Taliyaha Xabsiga Dhexe Gaashaanle Sare Max’ed Xuseen Sabdoow iyo 8 Askari oo ka tirsan Ciidanka Asluubta kuwaas oo lala xiriirinayo sii deynta Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab oo xukun dil ah horay loogu riday.

Wararka ayaa intaasi kudaraya in Taliyaha iyo Askartaan lagu xiray Xabsiga Ciidanka Nabad Sugida Qaranka ee Magaalada Muqdisho , waxaana wararku sheegayaan in ninkaasi qaabkii loogala baxay Xabsiga lagu sheegay in Maalinta booqashada Maxaabiista ay soo booqdeen ehelka Ninkaasi , kadibna Sarkaalka iyo Askarta la eedeynayo ay u fududeeyeen in Ninkaasi loo galiyo Dharka Dumarka ( Jalbaab iyo Indha Shareer ) islamarkaana Ilmo yar loo Xambaariyay sidaasna uu Xabsiga kaga soo baxay, Ninkaasi oo aan la tabin markii uu baxay ayaa Maalmo kadib ay Maxaabiistu ay sheegeen in Ninkaasi uu Maqan yahay kadibna Saraakiisha Asluubta Baaritaanno ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in Ninkaasi uu Maqan yahay kadibna Raggaan loo xiray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowladda federaalka Soomaaliya Baxsashada Ninkaasi lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab iyo Xariga Sarkaalkaasi iyo Askarta kaleba.

Shabelle