30 qofood oo ku dhimatey weerar lagu qaadey gudaha suuqa weyn Westgate Mall ee Nairobi

0
1047

WestGateMall20130921_2Ugu yaraan ilaa 30 qofood ayaa ku dhimatey toboneeyo kalena wey ku dhaawacbeen is rasaaseen ilaa hadda ka socda gudaha suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaala xaafadda laguna magaacaabo Westgate Shopping Mall.

Qof dumar oo ku sugan suuqa gudahiisa oo ay khadka telefoonka kula hadashey televisionka Aljazeera ayaa sheegtey in dadka weerarka ku qaadey suuqa, muuqaalkooda u ekyahay Somaali.

Waxaa la sheegey in dad badan oo ku jira gudaha suuqa loo haysto madaxfurasho amaba hostages.

Ciidanka booliska Kenya ayaa goor dhow sheegey iney tuhunsanyihiin dadka weerar qaadey ay yihiin dad argagixo ah hase yeeshee ay ka gaabsadeen iney magacaabaan qolada ay yihiin.  Waxaana markii hore la aaminsanaa in dableeyaasha ay yihiin dad burcad ah oo rabey iney dhacaan dukaamada ku dhex yaala suuqa gudahiisa.

Suuqa Westgate ayaa ah meel badanaa ay ka adeegtaan ama ay ka cunteeyaan Kiinyaanka ladan iyo dadka ajnebiga ah oo Soomaalida ku jiraan.